Sunday 23 March 2014

Rabbiyoow, ii naxariiso ina cafi.





Falka qoomamaynta

Ilaahaygiyoow, waxaan qoomamaynayaa, kana tiiraanyoonayaa dhammaan dembiyadeyda, waayo dartood baan ciqaab kaaga mutaystay; waxaa iiga sii daran in aan ku xumeeyey adiga oo ah wanaagga aan dhammaaneyn istaahilana in wax walba adiga lagaa jeclaado. Anigoo kaashanaya gargaarkaaga quddusan, waxaan goostay in aanan mar dambe ku xumeyn, kana cararo fursad kasta oo i dambaajineysa. Rabbiyoow, ii naxariiso ina cafi.


Rabbiyoow, noo naxariiso!
Masiixoow, noo naxariiso!
 

Rabbi Ciisoow, Ilaaha nool Wiilkiisoow, ii naxariiso anigoo dembilow ah.
 
Ilaahoow kaalay i badbaadi.
Rabbiyoow degdeg iigu soo gargaar.



Thursday 20 March 2014

Masmuur 50: Iigu naxariiso, Ilaahoow (Miserere mei Deus)





 Iigu naxariiso, Ilaahoow,
sida naxariistaadu u weyn tahay,*
oo jeceylkaaga weyn igaga tirtir dembigeyga.

Iga dhaq dembigeyga oo dhan,*
oo iga nadiifi xumaantayda.
Waan qirsanahay dembigeyga,*
xumaantayduna weligeed waa i hortaal.

Adiga, adiga keliya ayaan dembi kaa galay,*
oo wixii indhahaaga ku xun
baan anigu sameeyey.
Si xaqnimadaadu u muuqato
marka aad xukumayso,*
toosnaanta go’aankaaguna ay u caddaato.

Haddee xumaan baan ku abuurmay*
oo uurkii hooyaday dembi baan kaga dhashay.
Adigu waxaad doonaysaa
Iillaahinnimada qalbiga,*
moolka naftaydana wa xaad bartaa
caaqilnimadaada.

Hisoobka igugu firdhi,
waan sifaysmi doonaaye,*
i dhaq, caanaha waan ka caddaan doonaaye.
I maqashii hadal farxad iyo reyreyn leh,*
lafihii aad jejebisey
farxad bay la kici doonaan.

Wejigaaga ka jeedi dembiyadeyda,*
oo iga baabi’i xumaantayda oo dhan.
Igu abuur, Ilaahoow, qalbi nadiifsan,*
oo igu cusboonee ruux hagaagsan.

Hortaada ha iga cayrin*
hana iga ceshan ruuxaaga quddusan.
I sii farxadda badbaadintaada*
oo igu adkee ruux kuu jilbaysan.

Kuwa qaldan waxaan tusi doonaa jidkaaga,*
dembilowyaashuna adiga
ayey kuu soo noqon doonaan.
Iga xoree qaanta, Ilaahoow,
Ilaaha badbaadiyahayga ahoow,*
carrabkaygu xaqnimadaada ayuu faanin
doonaa.

Rabbiyoow bushimahayga fur,*
afkayguna wuxuu ku dhawaaqi doonaa
ammaantaada.
Adigu kuma farxaysid sadaqo xooleed,*
haddi aan xoolo kuu qalana ma yeelaysid.
Sadaqada aad doonaysid
waa ruuxa toobadkeenka ah,*
qalbi qoomamaysan oo hooseysan, Ilaahoow,
ma yasaysid.