Friday 27 December 2013

Merry Christmas from RCMSomalia





“Haddaba dhalashadii Ciise Masiix sidaan ayay ahayd: hooyadiis Maryan intay u doonanayd Yuusuf, oo aanay weli isla aqal gelin, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Qudduska ka uuraysatay. Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah, mana doonaynin inuu iyada sumcad xumo u soo jiido, kolkaasuu ku tashaday inuu si qarsoodi ah iyada iskaga fogeeyo. Laakiin intuu weli waxyaalahan oo dhan ka fikirayay, bal eeg, malaa’igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay, iyadoo leh: ‘Yuusuf, ina Daa’uudow, ha ka baqin inaad Maryan afadaa ahaan u qaadatid. Waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Qudduska ka yimid. Waxay dhali doontaa wiil, adiguna waxaad ugu yeeri doontaa magaca Ciise, waayo, ummaddiisa ayuu dembiyadeeda ka badbaadin doonaa.’ 

Haddaba waxaan oo dhan waxay u dhaceen si uu u fulo wixii Rabbiga afka nebiga ku sheegay, isagoo leh: ‘Bal eeg, cadradda way uuraysan doontaa, waxayna dhali doontaa wiil, oo waxay magaciisa u bixin doonaan Emmanu’eel, oo loo turjumo: Ilaah baa inala jira.’ 

Yuusuf intuu hurdada ka kacay, ayuu yeelay wixii malaa’igtii Rabbiga ku amartay, oo Maryan ayuu afadiisa ahaan u qaatay oo isagu ma uu garanaynin iyada ilaa ay ka dhashay wiil, wuxuuna u bixiyey magaca Ciise.” Matayos 1: 18-25

A very merry, blessed and holy Christmas to all our readers, supporters and for those who pray for Somalia and the Church in this country. May the Infant Jesus and His Blessed Mother bless and protect you and may they bring that peace we all so long for to you and to Somalia. Despite the Somali Government's ban on Christmas please join me in praying for all those faithful Somali Christians who will nonetheless recieve quietly into their hearts that King Who was born so quietly on that night for us all in Bethlehem. God bless RCMS